Maqaallo

Ma ogtahay !

Ma ogtahay in webka cusub ee www.waxbarasho.se    uu yahay web cusub oo bedeli doona kii hore ee www. waxbarasho.com kaasoo sabab jira awgood loo joojiyey, isla markaasna aan weli lagu guulaysan in dib loo soo celiyo balse aan u aragnayinay isku mid yihiin hadba xarafkii la isticmaalo bog guriyeedka.

Ulajeedada loo furay ama la tiigsanayo waxay hoos imaanaysaa sababo dhowr ah oo ka mid yihiin:

  • In la helo bog ay waxbarashada afkahooyo ka socoto.
  • In la helo meel ay macallimiinta afkahooyo ku xiriiraan.
  • In la helo meel lagu hormarin karo luqadda iyadoo hadba laga duulayo meesha ay wax marayaan.
  • In kor looqaado tayada iyo awoodda luqadda Soomaaliga.
  • In uu boggu noqdo meel dadka u dhaxaysa faa`idona leh.
  • In lagu soo xiro ardada koraysa iyo jiilalka cusub.

Haddaba haddaad tahay bare waxaad fursad u leedhaya inaad ka qayb qaadato horumarinta, kobcinta, dhisidda, taakulaynta iyo tayo u yeelidda bogga iyo waxa ku qoran. Noqo mid ay taariikhdu xusto, noqo mid ay jiilasha soo socda u aayaan, noqo mid geysta oo wax ka taga.

Luqadda Soomaaliga waa luqad da`weyn taasoo u baahan in la soo saaro awoodda luqadeed iyo saamaynta ay ku leedahay caalamka. Waxaan tiigsanaynaa in luqadda Soommaaliyeed ay xagsato maqaamka ay ku leedahay caalamka. Waa innaga dadka u ah jiilka fariisinaya luqadda si ay jiilasha nagadambeeyaa u wadaan oo ay dhaanka u geeyaan meeshii lagu furi lahaa. Taa macneheedu waxaa weeyey in luqaddu gaadho heer ay noqoto luqad buuxinaysa awoodda laga rabo luqad dhankasta oo loo baahdo ku leh baac ay ka geysan karto xaaladda markaa taagan.

Af-Soomaaliga oo ah luqad la qoray dhawaan ay haddana awood u leeyihiin dadka ku hadla inay ka dhigaan mid taabo gasha oo yeelata sumcad iyo sharaf ay ku hesho maamuus iyo muunad sare. Qaababka luqad lagu hormarin karo waa badan yihiin tani waa ka mid, ee waxaad awood u leedahay inaad buuxiso dhankaaga intii awoodaada ah.

Haddaba barow waa adiga hoyga waxbaridda iyo hoyga kobcinta afka hooyo ee ha moogaan inaad ka soo baxdo kaalintaada.

 

FG:

 

 

Waxaad nagala qayb qaadataa inaad ha

lakan ku soo dirto wixii maqaallo ah oo aad is leedahay waxay faa`ido u noqon karaan kobcinta afkaaga hooyo adigoo mahadsan.

Qore/AAM