Siminaarkii macallimiinta afka hooyo ee wadamada waqooyiga Yurub oo la soo gabagabeeyey

By | 18 december, 2018

Siminaarkii barayaasha ee bishii hore oo la soo…….

 

Waxa horraantii bishii Nofember ee sannadkan 2018ka ku soo gabagaboobay magaalada Stockholm ee carriga Sweden aqoon-is-weydaarsi sanadle ah oo ay yeeshaan barayaasha af-Soomaaliga ee qaybo ka mid ah dalalka dhaca Waqooyiga Yurub (Sweden iyo Finland). Kulankaas aqoon-is-weydaarsi oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Barayaasha af-Soomaaliga ee magaalada Stockholm ayaa ahaa mid socday saddexdii casho ee ugu horreysay bisha Nofember (1, 2, 3). Kulankan oo runtii ahaa mid lagu soo bandhigayey ama lagu lafagurayey qaabka ugu habboon ee loo horumarin karo af-Soomaaliga, gaar ahaan tayeynta iyo kobcinta afka, si loo helo qaab habboon oo aqoonta af-Soomaaliga loo gaarsiiyo ardayda ku barbaartay ama ku dhalatay dalalkan Waqooyiga Yurub, oo runtii baahi weyn u qaba in laga haqabtiro afkooda hooyo. Aqoon-is-weydaarsigaas ayaa lagu soo bandhigay casharro iyo muxaadarooyin kala geddisan muhiimna  ah, lana xiriira qaabka ugu sahlan uguna hagaagsan ee wax loo bari karo ardayda. Casharradaas ayaa ahaa kuwo ay soo jeediyeeyn khuburo iyo aqoonyahanno kala duwan, aqoon xeeldheerna u leh qaabka horumarinta, kobcinta, barbaarinta iyo waxbaridda ubadka. Waxa casharrada iyo muxaadarooyinka barbar socday tababarro (workshops), kuwaas  oo barayaashu ay ku lafagurayeen, kuna soo bandhigayeen hindisaha waxbarasho oo loo arkayo in lagu tayeeyo waxbaridda ubadka. Waxaana tababarradaas laga soo saarey qaab aqooneed mideysan, laguna xoojin karo aragtida horumarineed ee waxbarashada ubadka iyo barabaarintiisaba. Meesha kama marnayn in la iska wareysto xaaladda guud ee dalkii iyo dadkiiba, dareenkaasina waxa uu ahaa mid ay barayaashu ku muujiyeen kulankoodaan aqoon-is-weydaarsi. Guntii iyo gebagabadii, kulankan ayaa ku soo idlaaday weji qurxoon oo ay ka muuqatay rajo iyo reyn reyn ay dib u la noqdeen wufuuddii kala duwnayad ee ka timi daafaha kala geddisan ee Waqooyiga Yurub, waxaana lagu ballamay in horey loo sii wado dardar gelinta iyo ka mira dhalinta yoolka ay barayaashu higsnayaan kaas oo ah horumarinta iyo kobcinta waxabarashada ubadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Waqooyiga Yurub, gacanna loo fidiyo meel walba oo la dareensan yahay in waxtar iyo talaba laga gaysan karo.

Wa billaahi towfiiq

Diyaariye; Bare Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim (Garyare)

 

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *